Shabeellaha Hoose – Taliyaha Ururka 82-aad ee Guutada 8-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Faarax Maxamuud Hirsi, ayaa kulan guud la yeeshay horinta koowaad ee ururka, kuwaas oo saldhiggoodu yahay deegaanka Buulo Mareer ee degmada Kurtunwaarey.
Taliyaha ayaa ciidanka ku wargeliyay inay si buuxda ugu diyaar garoobaan howlgallo culus oo Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.
Wuxuu sheegay in howlgalladaasi ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Korneyl Faarax Weyne ayaa sidoo kale ciidanka kula dardaarmay inay muujiyaan feejignaan, isku-duubni iyo diyaar-garow buuxa, si ay u gutaan waajibaadkooda, ugana qeyb qaataan sugidda amniga iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.




