Toos: Doorashada guddoonka Aqalka Sare oo ka socota Teendhada Afisyooni

0

MUQDISHO (SMN) – Doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow ka bilaabatay xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Xilka guddoomiyaha waxaa isku soo taagay illaa saddex musharrax oo kala ah:- 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi, 2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare waxaa sidoo kale ku tartamaya laba musharrax oo kala ah:- 1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doortay Galmudug 2-Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doortay HirShabelle.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isku soo sharraxay ilaa 7 musharax oo kala ah:- 1-Cabdullaahi Xersi (Timacadde), 2-Senator Cabdi Cusmaan Xareed, 3-Senator Ilyaas Badel Gaboose, 4- Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), 5-Senator Xasan Xuseen Xaaji, 6-Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade), 7-Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here