UGAANDHA – Uganda iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay sii xoojiyaan iskaashigooda milatari ee muddada dheer soo jiray, iyadoo Jeneraal Ibrahim Mohamed Mohamud oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ku ammaanay Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) taageerada joogtada ah ee tababarka iyo la-talinta ay siiso Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Kulan dhexmaray Jeneraal Ibrahim Mohamed Mohamud iyo Jeneraal Muhoozi Kainerugaba oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Uganda, ayay labada taliye ku xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay sii wadista iskaashiga dhinaca amniga, iyagoo sidoo kale isku raacay in la ballaariyo wada-shaqeynta horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.
Iskaashigan ayaa muujinaya dadaallada iyo naf-hurnimada ay labada dal sameeyeen labadiiatan sano ee la soo dhaafay, iyagoo ka shaqeynayay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Uganda ayaa sidoo kale dhiirrigelinaysa maalgashadayaasheeda inay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyadoo la tilmaamayo in xaaladda amni ee dalka ay sii hagaagayso.





