Riyadh, Sacuudi Carabiya – Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Riyadh kaga qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta (International Energy Forum – IEF).
Ka qaybgalka wasiirka ee madashan ayaa fursad u ah xoojinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tamarta, is-weydaarsiga khibradaha iyo ka doodista mustaqbalka suuqyada tamarta adduunka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysa horumarinta khayraadka shidaalka iyo gaaska, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee gacan ka geysan kara kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta waaxda tamarta dalka.
Ka qaybgalka Wasiir Daahir Shire Maxamed ee madashan ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo horumariyo fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee waxtarka u leh dalka iyo dadkiisa.




