Uganda oo shaacisay in askar lagu waayay weerarkii Buulo-Mareer dib loo helay

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka ciidamada difaaca Uganda General Felix Kulaigye oo la hadlay laanta afka Soomaaliga AH ee VAO ayaa sheegay in ay dib loo helay askar u dhashay Uganda oo lagu waayay weerarkii AY Al-shabaab ku qaadeen xerada ay daganayeen ciidamada ATMIS oo ku taalla Buulo-Mareer.

 

Sarreeye Guuto General  Felix Kulaigye ayaa tilmaamay in afar askari oo u dhashay Uganda ay ka baxsadeen xerada weerarka kadib, isla-markaana ay ku dhuumaaleysaneyeen nawaaxiga magaalada Buulo-Mareer oo 110 KM dhinaca Koonfureed uga beegan Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii watay afhayeenka ciidamada difaaca Uganda ayaa shaaca ka qaaday in mid kamid ah askartan uu dhaawac ahaa isla-markaana la helay , kadib markii ay ciidamadooda dib u qabsadeen xeradii ciidamada ATMIS ee magaalada Buulo-Mareer.

Si kastaba ha’ahaatee tani ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa saacado uun kadib markii madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musevani uu xaqiijiyay in 54 oo u dhashay dalkiisa lagu dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhiga ATMIS ee Buulo-Mareer oo ay daganayeen ciidamo u dhashay Uganda.

Weerarkaasi kadib Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay saraakiil iyo taliyeyayaal ciidan oo uu hogaaminayay taliyaha guud ee ciidamada lugta Uganda General Kayanja Muhanga si ay baaritaan ugu sameeyaan weerarka lagu dilay ciidamo u dhashay Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here