Sawirro: Shir u dhexeeyo DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta shir gudoomiyay kulan wada tashi ah oo u dhexeeya Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda

Shirka oo u jeedadiisu ahayd dib u bilaabidda xiriirka wada shaqyan ee u dhexyeeyay Wasaaradda Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka maadaama uu hakad ku jiray muddadii lagu guda jiray doorashada.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin oo Shirka furay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Caddaaladda ee Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa xusay in ay muhiim tahay in ay yeeshaan qorshe midaysan oo ku saabsan Hannaanka Cadaaladda iyo Asuubta si loo gaaro Caddaalad midaysan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here