KAMPALA – Taliska Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) ayaa xaqiijiyay in uu bilaabay qorshaha ka bixitaanka ciidamadii Uganda ee ku sugnaa Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ahaa iskaashiga militari ee labada dal.
War qoraal ah oo maanta oo Isniin ah kasoo baxay taliska milatariga Uganda, ayaa lagu sheegay in ciidamadii ugu horreeyay ee qeybta ka ahaa qorshahan ay dib ugu laabteen dalkooda.
Taliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku jooga heshiiska labada dhinac ay dalka isaga bixi doonaan maalmaha soo socda.
Dhanka kale, UPDF ayaa shaacisay in qorshaha guud uu yahay in dhammaan ciidamadeeda Soomaaliya laga saaro dhammaadka sannadka 2027, kuwaas oo ay ku jiraan ciidamada qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Ka bixitaanka ciidamada Uganda ayaa soo afjari doona muddo 20 sano ah oo ay Soomaaliya ka wadeen howlgallo la xiriira taageerada nabadda iyo xasilinta dalka.
Taliska Uganda ayaa sheegay in tallaabadan ay fursad siin doonto Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.



