MUQDISHO – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha iyo Taakulaynta, Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim, iyo Agaasimaha Guud ee Difaaca, Mudane Cabdulqaadir Abuuukar Maxamed, ayaa maanta kulan guud la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha iyo shaqaalaha wasaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista waxqabadka shaqaalaha, dardargelinta hawlaha shaqo iyo hirgelinta qorshayaasha mudnaanta u leh wasaaradda, iyadoo si gaar ah xoogga loo saaray muhiimadda isla-xisaabtanka iyo gudashada waajibaadka shaqo.
Xoghayaha Joogtada ah ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo xoojinta wada-shaqaynta, kor u qaadista tayada shaqada iyo in shaqaalaha wasaaraddu si hufan oo xilkasnimo leh uga shaqeeyaan qorshayaasha iyo yoolalka wasaaradda.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga ee lagu horumarinayo habsami-u-socodka shaqada, tayada adeegyada iyo waxqabadka guud ee hay’adda.




