Villa Soomaaliya oo war ka soo saartay dib u dhaca ku yimid shirka golaha amniga qaranka

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa shaaciyey in dib loo dhigay furitaanka shirka golaha amniga qaranka oo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xaashi ma shaacin sababaha rasmiga ah ee dib loogu dhigay shirka, balse wuxuu tilmaamay inay dib kasoo sheegi doonaan xilliga uu farmayo.

“Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay, waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo” ayaa yiri agaasimuhu.

Baaqashada shirkan ayaa waxaa loo sababeynayaa dib u dhaca ku yimid safarka madaxda ka qeybgaleysa kulanka oo aan weli soo gaarin magaalada Muqdisho.

Si kastaba shirkan ayaa waxaa qorshuhu yahay in lagu soo bandhigo warbixin ku saabsan ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here