Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka oo Booqday Xarunta Xaawa Taako

0

MUQDISHO – Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay Xarunta Nabadda, Horumarinta iyo Gargaarka Banii’aadannimo ee Xaawa Taako, halkaas oo ay kula kulmeen masuuliyiinta xarunta iyo qaar ka mid ah madax hore oo dowladeed.

 

Mas’uuliyiinta booqashada ka qeyb galay ayaa kala ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Bacad iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Wafdiga ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Xarunta Xaawa Taako oo ay ugu horreyso Marwo Aamina Xaaji Cilmi, iyadoo kulanka ay sidoo kale ka qeyb galeen Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dr. Cabdikariim Jaamac iyo Wasiirkii hore ee Howlaha Guud Cabdirashiid Khaliif.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira dowlad-dhiska, nabadda, horumarinta bulshada iyo doorka ay bulshada rayidka ah ka qaadan karto xoojinta wadajirka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo xubnihii kale ee kulanka ka qeyb galay ayaa yeeshay wada-hadallo iyo is-weydaarsi ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo bulshada, si looga wada shaqeeyo horumarka iyo xasilloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here