Wadajir iyo Shangaani oo ku baratamay tartanka Shabelle – Yaa adkaaday?

0

MUQDISHO (SMN) – Degmooyinka Wadajir iyo Shangaani ayaa xalay ku baratamay Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, kaas oo galay habeenkiisii 9-aad.

Wadajir oo guul gaartay ayaa heshay 16 dhibcood, halka Shangaani oo laga adkaaday ay keensatay 12 dhibcood, sida uu ku dhawaaqay guddiga tartanka.

Degmada Wadajir ayaa sidaas ugu gudubtay wareega labaad ee tartanka Shabelle, halka Shangaani ay ka hartay guud ahaan tartanka.

Sidoo kale waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan degmooyinka Xamarjajab iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/ Dhexe.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here