Wafdi ka socda Baarlamaaka Soomaaliya oo kulamo ka wada Sacuudi Carabiya

0

RIYADH (SMN) – Wafdi ka soday Guddigga  Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dalka Sacuudi Carabiya wadahadal kula yeeshay masuuliyiin ka tiran golaha Shuurada iyo kan sanduuqa horumarinta ee dalkaas.

 

Wadigaan oo uu hoggaaminaayey Xildhiaan C/Laahi Bitaan,waxa ay maglaada Riyaad wadahadal kula yeesheen Guddoomiya xiriirka dibadda ee golaha shuurada ee Scuudi carabiya Feys C/lla.

Labada dhinac waxa ay kulankaasi kaga hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta barnaamihyada lagama maarmaanka ah ee khuseeya dhinacyadaasi.

Kulankaasi waxaa kaloo looga hadlay is-dhaafsiga booqashooyinka  muhiimka ah ee wax u taraya labada dal iyo sidii Somaaliya gacan looga siin lahaa dardargalinta adeegyada ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Wafdigaasi oo booqasho ku jooga Sacuudi Carabiya ,waxa ay sidoo kale Xarunta Sanduuqa horumarinta Dalka Sacuudi Carabiya kula kulmeen madaxa hey’addaasi Sayid Murshad.

Mas’uulkaasi waxa uu xildhibaanadaasi ka socday Baarlamaanka Soomaaliya u ballan qaaday in ay ka qeybqaadan doonaan dib u dhiska Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here