Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed, waxaana garoonka diyaaradaha shaati-Gauddud ku soodhaweeyey wasiiiro,xildhibaano saraakiil katirsan Maamulka KGS.

 

Wafdiga wasiirka waxaa qayb ka ah wasiirrada Warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, agaasinka Warfaafinta gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Safarka wasiir Daa’uud ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka shir wadatashi ah oo wasiirrada Warfaafinta dowladda Federaalka kuwa dowladd gobolleedyada iyo gobolka Banaadir oo magaaladaas uga furmaya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here