Wafdiga ka socda Bangiga Adduunka oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi oo maanta dalka soo gaartay.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha Istaraatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka bulshada iyo sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa la wadaagay wafdiga Bangiga Adduunka muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhankeeda Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa ugu hambalyeysay Xukuumadda #DanQaran guulaha waawayn ee ay gaartay muddadii ay jirtay, gaar ahaan dhammaystirka hannaanka dayn cafinta dalka oo guul ku soo idlaaday dhammaadkii sanadkii tagay, Iyada oo sheegtay in ay xoojin doonaan taageerada dhinacyada kala duwan iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here