BELEDWEYNE – Deegaano kamid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, ayaa lagu soo waramayaa in saacadihii ugu dambeeyay kooxdaasi ay dileen labo nin oo u dhexeeya Tardho iyo Moqokori.
Mid ka mid ah labada nin ayaa si toos ah loo toogtay, halka kan kalena lagu gowracay.
Sidoo kale, tiro dad ah ayaa xabsiga loogu taxaabay iyada oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in ay ka hor yimaadeen awaamiirta kooxda.
Labada nin ee la dilay ayaa si gaar ah loogu sheegay in ay ahaayeen Macwusley, oo ah militiyo deegaanka u dagaallanta dowladda.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay kulamo la qaateen qaar kamid ah odoyaal dhaqameed, iyaga oo uga hadlay sidii dadka barakacay dib ugu soo laaban lahaayeen deegaannadooda iyo in ay iska bixiyaan waxa ay ugu yeereen “Sakawad.”
Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay dalka gudaheeda ka waday uruurinta dhaqaale fara badan oo ay sheegayaan inay tahay Sakawad, iyadoo bisha koowaad ee Hijriya lagu jiro.



