Wararkii ugu dambeeyay hoobiye ku dhacay guri u dhow Madaxtooyada

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya hoobiye la sheegay inuu xalay ku dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Hoobiye oo ahaa hal xabo ayaa lasoo wariyay inuu ku dhacay guri wayn oo uu dhisme ka socday, kaas oo ku yaallo agagaarka xarunta Villa Soomaaliya.

Guriga ayaa xilliga uu ka dhacayay madfaca laga maqnaa, mana jiro khasaare nafeed oo ka dhashay, waxaase jiro burbur xoogan oo soo gaaray dhismaha.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan hoobiyaha ku dhacay agagaarka xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay laga dareemaya culays, ayada oo soo kordheen falal ammaan darri oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here