Wararkii ugu dambeeyay madaafiic lagu garaacay magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka  ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo dhowr bilood ay ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

 

Wararka ayaa sheegaya in saaka labada dhinac ay madaafiic isku weydaarsadeen bariga magaalada, taas oo uga sii dartay xaaladda ka taagan halkaasi.

Madaafiicda qaar ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, halka kuwa kalena ay ku hoobteen aagga xerada Goojacadde.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kascan, waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaaladaasi.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Golaha Ammaanka ee QM ay bayaal kasoo saaray xaaladda Laascaanood, iyaga oo baaqay labada dhinac inay dagaalka joojiyaan si loogu gurmado dadka ay waxyeelada soo gaaray iyo sidoo kale kuwa ka barakacay halkaasi.

Arrintan ayaa sii hurineysa xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood oo markale cirka isku shareertay, kadib markii todobaadkii la soo dhaafay ay dagaalladu dib u bilowdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here