Wararkii ugu dambeeyay toogashada ka dhacday xerada jeneraal Goordan

0

MUQDISHO (SMN) –  Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay toogasho xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisgho, taas oo uu fuliyay askari ka tirsan ciidamadii uu tababaray Imaaraadka Carabta.

 

Weerarkan ayaa sababay dhimashada saraakiil ay ku jiraan 4 kamid ahaa macallimiintii tababarka bixineysay oo u kala dhashay dalalka Imaaraadka iyo Baxrayn, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale waxaa jira saraakiil kale iyo askar ay soo gaareen dhaawacyo kale, kuwaas oo la geeyay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay weerarkan, isaga oo ku amray laamaha ammaanka inay sameeyaan baaris deg-deg ah oo la xiriirta toogashadan oo lagu laayay saraakiil muhiim ah oo uu ku jiro sarkaalkii ugu sarreeya xerada Jeneraal Gordan.

Madaxweynaha oo cusbitaalka ku booqday qaar ka mida saraakiisha u dhashay Imaaraadka Carabta ee ku dhaawacmay weerarkan, ayaa uga mahadceliyay garab-is-taaggooda joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Dhankeeda dowwladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaaraysay weerarkan, wasaaradda Difaaca ee dalkaas oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in weerarkan lagu dilay saddex ka mid ahaa ciidamada dalkooda iyo weliba sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada dalka Baxrayn, kuwaas oo ahaa macalimiin tababarayey ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay in baaritaanka weerarkan ay si dhow ugala shaqaynayaan dowladda Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan lagu qaaday xeerada General Gordan ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay daganayd xaaladda ammaan ee caasimada, kadib howlgallo amni xaqiijin ah oo ay ka sameeyeen ciidamada dowladda oo sidoo kale haatan dagaal adag kula jira Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here