Wararkii ugu dambeeyay weerarka tooska ah ee lagu qaaday hoteel SYL

0

MUQDISHO (SMN) – Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday hoteelka SYL oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaas oo illaa iyo hadda socda.

 

Kooxda ayaa hore u weerartay hoteelka SYL, oo ay caan ku yihiin saraakiisha dowladda.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo weriyay qaraxyo iyo rasaas laga maqlay hoteelka, iyagoo wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dagaalyahannadu ay weli gudaha ku jiraan.

Weerarka weli waa uu socdaa, ilaa iyo haatan si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay mana jirto xog kasoo baxday dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya qaar ayaa lasoo warinayaa in ay dhaawacyo soo gaaraeen siyaabo kala duwan, sida qoysaskooda ay warbaahinta u sheegeen.

Weerarrada ayaa ku yaraa Muqdisho toddobaadyadii la soo dhaafay kadib markii ammaanka aad loo adkeeyay ayna dowladdu xoojisay dagaalkeeda militari ee ka dhanka ah kooxda al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku heysa qeybo aad u badan oo ka mid ah koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here