Wasiirka caafimaadka oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii SYL + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa Isbitaalka Ordgan ku booqday Muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay xalay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadey Hotelka SYL.

 

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada lasoo gaarsiiyey Caawa.

Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid isagoona xogwareysanayey dhaawacyada xaaladdooda Caafimaad ay soo hagaageyso ee kari karey in ay hadlaan si uu u hubiyo in ay helleen Daryeel Caafimaad oo ku filan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalana sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhow ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaaninta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay waxyeeleeyeen Al-Shabaab.

Ugu dambeyna Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay baxnaaninta iyo badbaadada Muwaadiniinya Soomaaliyeed ee ay dhibaatada soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here