Wararkii ugu dambeeyey afgembiga dhicisoobay ee dalka Suudaan

0

KHARTUUM (SMN) – Ciidamo fara badan ayaa lagu arkaya waddooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum iyo magaalada Omdurman kadib wararka la xiriiriyay in dalkaas uu ka dhacay afgembi dhicisoobay.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay taangiyada dagaalka iyo ciidamo ku sugan waddooyinka.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay dhaceen isku dayo la doonayay in lagula wareego raadiyaha dowladda ee ku yaalla Omdurman.

Warbaahinta dowladda ayaa ku eedeysay afgembiga dhicisoobay inay ka dambeeyeen koox daacad u ah madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir.

Isha: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here