Baydhaba, Soomaaliya: Waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ku geeriyooday wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi, oo ka howlgallayay warbaahinta Arlaadi Media, kaddib markii uu u geeriyooday dhaawac daran oo kasoo gaaray dagaalkii 3-dii bishan September ka dhacay gudaha magaalada.
Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo hoggaamiyaha cusub ee maamulkaasi, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo garab ka helaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Iska horimaadka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad kala duwan oo ku sugnaa magaalada, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ahaa wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi, kaas oo dhaawac daran kasoo gaaray dagaalka, markii dambena magaalada Baydhaba ugu geeriyooday.
Geerida wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi ayaa murugo iyo walaac ku beertay bahda warbaahinta iyo bulshada magaalada Baydhaba, iyadoo sidoo kale dib u soo cusboonaatay walaaca laga qabo badqabka suxufiyiinta ka howlgala goobaha ay ka jiraan iska horimaadyada.
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay toogashadii lagu dhaawacay wariyaha, isagoo xusay khatarta ay suxufiyiintu wajahaan xilliyada ay dhacayaan dagaallada iyo iska horimaadyada. Inkasta oo dagaalkii 3-dii September uu joogsaday, haddana xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan magaalada Baydhaba ayaa wali taagan, iyadoo xaaladda magaalada ay tahay mid xasaasi ah.
Xiisadda u dhexeysa dhinacyada siyaasadda isku haya ayaa walaac ku abuurtay dadka deegaanka, kuwaas oo ka cabsi qaba in haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin khilaafka jira, ay dib u soo laaban karaan iska horimaadyo kale oo saameeya amniga iyo xasilloonida magaalada.




