Muqdisho, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland iyo guud ahaan biyaha Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday bulshada caalamka inay xoojiyaan iskaashiga iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya amniga badda.
War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tan iyo bishii Abriil 2026 ay dhaceen weerarro iyo afduubyo loo geystay maraakiib ganacsi, iyadoo qaar ka mid ah dhacdooyinkaas ay ku fidiyeen Gacanka Cadmeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay shaqaalaha maraakiibta ay saameeyeen falalka burcad-badeednimada iyo qoysaskooda, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta weli gacanta ugu jira kooxaha burcad-badeedda.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada Soomaaliyeed ay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah shabakadaha burcad-badeedda ee ka hawlgala badda iyo dhulka. Tallaabadii ugu dambeysay, sida bayaanka lagu sheegay, waxay ahayd howlgal lagu soo furtay markabka xamuulka ah ee MV Lutuf, kaas oo burcad-badeeddu afduubteen, waxaana markabka la soo furtay 29-kii Agoosto.
Dowladda Federaalka ayaa xustay in howlgallada ka dhanka ah burcad-badeednimada ay sii socon doonaan, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo burburin lahaa shabakadaha ku lugta leh falalkaasi, loona xaqiijin lahaa amniga xeebaha iyo biyaha Soomaaliya.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in iskaashiga amniga badda lagu fulinayo hannaan qaran oo mideysan, iyadoo la kaashaneysa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la dhowrayo isla-xisaabtan cad. Dowladda ayaa ugu baaqday saaxiibbada Soomaaliya inay taageeraan ciidamada Soomaaliyeed ee u xilsaaran ilaalinta iyo amniga badda, iyadoo adeegsanaysa hannaanka qaran ee amniga badda.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in kheyraadka badda Soomaaliya lagu maamulo sharciga dalka, halka kalluumeysiga sharci darrada ah, aan la soo sheegin iyo kan aan nidaamsanayn (IUU Fishing) uu xadgudub ku yahay xuquuqda madaxbannaanida Soomaaliya ee ku cad Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS).
Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in Qodobka 100-aad ee UNCLOS uu dhigayo in dhammaan dowladuhu iska kaashadaan la dagaallanka iyo ciribtirka burcad-badeednimada.
Iyadoo Soomaaliya ay hadda xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay arrinta burcad-badeednimada horgeyn doonto Golaha Ammaanka, isla markaana ay si dhow ula shaqeyn doonto saaxiibbada laba geesoodka ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Soomaaliya ay sii xoojin doonto iskaashiga lagu sameeyo Xeerka Anshaxa Jabuuti (Djibouti Code of Conduct) iyo Wax-ka-beddelka Jeddah (Jeddah Amendment), si loo sii daayo badmaaxiinta la afduubtay loona burburiyo shabakadaha burcad-badeedda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegtay inaysan oggolaan doonin in biyaha Soomaaliya ay noqdaan meel ay gabaad ka dhigtaan kooxaha ku lugta leh dambiyada badda.





