Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo soo jeedisay in Bandow lasoo rogo

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda caasimadka ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraaca xakameynta cudurka COVID-19, kaas oo faraya mujtamaca Soomaaliyeed, dadka safraya, iyo kuwa u soo safraya Soomaaliya, dhaqangelinta nidaamka caalimaga ah ee ka hortaga iyo xakameynta cudurka COVID-19.

Habraacaan oo ka kooban 17 qodob waxaa qeyb ka ah qodob dowladda federaalka iyo doolad goboleedyada ay wasaaraddu ugu soo jeedisay inay soo rogaan bandaw xiliga habeenkii ah, si loo xakameeyo cudurkan Coronavirus.

Sidoo kale dhamaan dadka waxaa loogu baaqay inay yareeyaan kulamada, afka xirtaan, is-talaalaan, una hoggaansamaan amarrada wasaaradda caafimaadka.

Hoos ka akhriso habraaca cusub ee COVID-19

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here