BAKU – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Baku Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Mudane Jeyhun Bayramov.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kobcinta iskaashiga ku saabsan ganacsiga, beeraha, tamarta, waxbarashada iyo amniga. Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wadatashiga joogtada ah iyo isu-duwidda arrimaha khuseeya xiriirka labada dal iyo iskaashiga ay la leeyihiin hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Dhaqdhaqaaqa Dalalka aan dhinacna raacsanayn (NAM), iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Kulankan ayaa calaamad u ah dadaalka sii kordhaya ee labada dal ay ugu jiraan dhisidda xiriir walaaltinimo oo ku saleysan dan wadaag iyo is-aaminaad, isagoo muujinaya rabitaanka labada dhinac ee ku aaddan horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee miro-dhalka leh.




