Wasiirka amniga maamulka Galmudug oo is casilay + sababta

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga Galmudug, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta shaaciyey inuu iska casilay xilkaasi, sababo la xiriira xiisadda Ahlus Sunna ee  kasoo cusboonaatay maamulkaasi.

Fiqi oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor iyo isaga ay isku fahmi waayeen, sida loo wajayo arrinta Ahlu Sunna Waljamaaca oo dib usoo rogaal celisay.

Halkan hoose ka aqriso:- 

Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda.

Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo, iyo sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa.

Allaha ilaaliyo Galmudug & dadkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here