Wasiirka Arrimaha Dibadda oo guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirro cusub oo dalal dhowr ah

0

MUQDISHO — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa guddoomay nuqullo ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirinimo ee safiirrada cusub ee dalalka Canada, Finland, Norway, Cuba iyo Spain.

 

Munaasabadda oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa safiirrada lagu soo dhaweeyay xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo Wasiir Cabdisalam uu ku ammaanay ku biiristooda kororka tirada diblomaasiyiinta dalalkooda ku matala Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah, isaga oo ballanqaaday in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay sii xoojiso shaqo-wadaagga iyo wada-hadallada ay la leedahay dalalkan.

Safiirrada cusub ayuu ku boorriyey in ay hormuud ka noqdaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo, iskaashiga amniga, ganacsiga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, isagoo sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay si diirran u soo dhaweynayaan una rajeynayaan inay ka wada shaqeeyaan danaha labada dhinac.

May be an image of daisMay be an image of one or more people, suit and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and newsroom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here