Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay saraakiil ka socotay Mareykanka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane,Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa kulan wadahadal ah la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee dhinaca Arrimaha Afrika, Mary.

Labada dhinac  waxay ka wada hadleen horumarka Soomaaliya ee laga gaaray doorashooyinka socda iyo arrimaha gobolka.

Dhinaca kale,Dowladda Mareykanka ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Iyadoo manta la xusayo weerarkii xooganaa ee dhacay 14 Oct. 2017, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay gacan ka geysaneyso dagaalka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here