Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Talyaaniga

0

ROMA (SMN) – Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga XFS iyo Dhiggiisa dalka Talyaaniga oo kulan looga hadlayo wadashaqeynta labada Wasaaradood ee Arrimaha Difaaca ku yeeshay Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga.

 

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa dalka Talyaaniga Guido Crosetto ayaa Kulan ay ku yeesheen  Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga kaga wadahadlay xoojinta wadashaqeynta  labada wasaaradood ee Arrimaha Difaaca.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa inta uu kulanka socday mahad-celin kaddib  dhiggiisa la wadaagaay muhiimada ay Soomaaliya  u leedahay taageerada Difaaca ee Saaaxibada Caalamka ee xiligan oo ay dolwadda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan dagaal xooggan oo ay isaga xoreynayaan Ururo Argagixiso ah oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariskaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here