Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulamo ka wada dalka Sacuudiga + Sawirro

0

RIYADH (SMN) –  Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Riyadh kulan kula qaatay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Saudi Arabia Khalid Bin Salman Bin AbdulAziz.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhanka Difaaca iyo Amniga labada Dal.

Sidoo kale labada wasiir ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo haatan si xoogan uga socda gudaha Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna sidoo kale mshariic kala duwan ay ka fulisaa gudaha waddanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here