Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb-galay shir caalami ah oo lagu horumarinayey dhaqaalaha Soomaaliya

0

NAIROBI — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb-galay shir caalami ah oo labo maalmood socday magaalada Nairobi, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka iyo xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah.

 

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa hay’ado iyo dowlado caalami ah oo ka taageera dhinaca maaliyadda Soomaaliya, sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midowga Yurub (EU), iyo ergooyin ka socday safaaradaha dalalka si dhow ula shaqeeya dowladda.

Intii uu shirka socday waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dardargelin lahaa horumarinta dhaqaalaha dalka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga dowladda iyo hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, si loo gaaro horumar waara oo taageera adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, iyo guddoomiyeyaasha Bangiga Horumarinta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dalka uu kasoo gudbay marxalado adag oo dib-u-habeyn dhaqaale, isla markaana uu haatan jiro fursad lagu sii xoojinayo dadaalladii muddada dheer socday.

Wasiirku wuxuu sidoo kale caddeeyay in Guddiga Sare ee Bangiga Horumarinta, oo dhawaan la dhisay, lagu soo xulay si hufan, caddaalad ah, isla markaana ku saleysan aqoon, xirfad iyo karti.

Ugu dambayn, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ku bogaadiyay hay’adaha caalamiga ah sida ay u garab taagan yihiin dadaallada lagu hirgelinayo qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya xasilloonida iyo horumarka mustaqbalka dalka.

May be an image of one or more people and textMay be an image of studying and text that says "WORK TODATE ULOING n"May be an image of textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here