Bangkok – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa ka qaybgalay shirkii 32-aad ee Africa Group 1 ee Bangiga Adduunka, kaas oo uu kaga hadlay dhammaadka muddadii labada sano ahayd ee uu wakiilka uga ahaa 22-ka dal ee xubnaha ka ah Guddiga Horumarinta ee Bangiga Adduunka.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey guddoomiyeyaasha iyo wakiillada dalalka xubnaha ka ah kalsoonida, wada-shaqeynta iyo taageerada ay muujiyeen muddadii uu xilka hayey. Waxa uu door muhiim ah ka qaatay doodaha la xiriira horumarinta caalamka iyo mudnaanta dalalka xubnaha ka ah.
Intii uu socday shirka, Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa xilka ku wareejiyey guddoomiyaha matalaya Jamhuuriyadda Sierra Leone, isaga oo u hambalyeeyey, una rajeeyey guul iyo inuu si wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday.




