Weerar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday deegaanka Biyo Cadde + khasaaraha

0

JOWHAR (SMN) – Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab saacadihii lasoo dhaafay ay ku qaadeen gudaha deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha lala beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Madaafiicda qaar ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay laba qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen laba kale, waxayna dhammaantood ahaayeen dad isku qoys ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana baaritaano kooban sameeyey ciidamada huwanta ee ka howlgala halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here