Xamza oo daah-furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga & Diiwaan-gelinta Dadweynaha

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay munaasabad ballaaran, qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay’adaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. Ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uu  ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey dowladda Pakistan oo gacan weyn ka gaysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here