Xarunta Salaam Somali Bank ee Gaalkacyo oo laga bixiyay lacag maalgalin ah

0

GAALKACYO [SMN] – Xarunta Salaam Somali Bank ee magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug ayaa shalay laga bixiyay barnaamij Qardu Xasan (free micro finance) oo ah lacago la siinayo ganacsatada yar yare.

Munaasabad ka dhacday xarunta bangiga ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu gudoonsiiyay ganacsatada deegaanka lacagtaas maalgelinta ah.

Dadkii ka faa’iidaystay barnaamijkaan Qardu xasan (free micro finance ) ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo shaqaalaha bangiga Salaam Somali bank waxayna sheegeen in ay tahay talaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan waxayna sidoo kale sheegeen iney aad ugu farxeen fursadan maalgelineed ee uu bangiga siiyey.

Qardu Xasan waa barnaamij dhowrkii bilood mar uu bangiga bixin doono waana mid loogu tala galay in laga bixiyo dhamaan xarumaha bangiga ee gobolada iyo magaalooyinka dalka waxaana loogu tala galay in lagu kobciyo laguna dhiiri geliyo ganacsatada soo koreysa.

Hore ayuu bangiga sidan oo kale ugu bixiyey xarumo dhowr ah ,waxana Maamulka Bangiga Salaam Somali bank uu sheegay in ay sii wadi doonaan barnaamijkaan waxaana dhawaan laga bixin doonaa dhamaan xarumaha harsan ee bangiga .

Ujeedada ugu muhiimsan uu banigiga u bixinaayo lacagahan ayaa ah in kor loo qaado wax soo saarka ganacsatada soo koreysa laguna dhiiri geliyo ganacsigooda.

Hoos ka daawo Sawiradda:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here