Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay madaxda Turki, Qatar iyo Jabuuti

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan, Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Madaxda hambalyo ku aaddan Ciidda barakaysan ee Carafa, iyagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo sannado barwaaqo ah, waxayna muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Turkiga, Qatar iyo Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay ugu hambalyeeyeen Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Carafa, waxa uuna tilmaamay dadaalka ay dowladdu gelinayso kobcinta xiriirka ay la leedahay dalalka walaalaha ah ee soo garab istaagay xilliyada adkaa.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here