Xiisad dagaal oo maanta ka taagan duleedka magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo duleedka magaalada Laascaanood oo ay weli isku horfahiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen furimaha hore ee dagaalka oo ay maalmo ka hor isku farasaareen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, ayada oo laga cabsi qabo in mar kale uu dagaal ka qarxo duleedka magaalada Laascaaanood.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ay heleen gurmadyo saacadihii ugu dambeeyay gaaray aagga dagaalka, si ay ugu biiraan.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa mar kale dib u qarxay todobaadkan, kaas oo ay barbar socoto duqeyn xoogan oo uu khasaare kasoo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here