Xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka Laascaanood oo la dilay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka degmada Laascaanood loogu geystay bartamaha magaaladaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe).

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku toogteen meel ku dhow gurigiisa, iyaga oona kadib goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale waxaa dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Somaliland, kuwaas oo howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Si kastaba, marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) ayaa ka mid ahaa xubnaha cusub ee golaha deegaanka, wuxuuna ka soo baxay xisbiga mucaaradka ee Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here