Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo howl-gal qorsheysan lagu dilay

0

Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa howlgal ku dilay ilaa 15 ka tirsan Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha Ciidankaas.

 Howlgalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay saddex jeer isku dayeen in ay xalay gudaha u galaan saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin degmadaasi Diinsoor ee gobolka Bay.

Saraakiisha ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalyahanadii weerarka soo qaaday halkaasi looga dilay illaa 15 xubnood halka qaar kalena laga dhaawacay.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here