Soomaaliya oo shirweyne caalami ah uga qayb-gashay dalka Marroco + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka dowladda FS mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dalka Marroco uga qaybgalay shirka meertada 33-aad ee wasiirada beeraha qaaradda Afrika, kaas oo looga hadlay kobcinta wax soo saarka beeraha.

 

Wasiir maareeye ayaa shirar gaar gaar ah la qaatay wasiiradda beeraha ayaan maanta kulan gaar la qaatay wasiirka beeraha noqortooyadda Morocco mudane Maxamed Sadiiqi

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Morocco, iyagoo isku raacay in la wadaago Cilmiga, Qibradda iyo farsamadda Beeraha iyo Waraabka.

“Si gaar ah waxaanu isula qaadanay in Soomaaliya lagu caawiyo waxkasta oo Morocco kaga horeyso sida aqoonta beeraha, waxbarashada machadyada iyo Jaamacadaha Beeraha oo Scholarship laga siiyo, tababarada, farsamadda, qalabka Beeraha iyo Waraabka” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka dowladda FS mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sidoo kale la kulmay madaxda hay’adda FOA iyo wakiilada  kala duwan ee hay’adaha caalamiga ee shirka ka soo qayb galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here