Sawirro: Warshad Oxygen oo laga daah furay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maanta la daahfuray Warshad Oxygen oo laga dhisay Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir taasoo ay maalgaliyeen shirkadaha Hormuud Salaama, Xaflada waxaa kasoo qeybgalay Madaxda Sare Dowladda Soomaaliya,  Wasiirka Caafimaadka Drs. Fawziya Abikar Nur,  iyo Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Axmed Xuseen Macallin, Maamulka Gobalka Banaadir,  Safiirka Dowladda Turkiga, Wasiir Ku Xigeenka  Amniga, Guddoomiya Culimada Soomaaliyeed iyo Xubna ka socday Ururada  Bulshada Rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Warshadan ayaa ku Soo beegmaysa xilli uu markii Saddexaad soo laabtay Caabuqa COVID-19, Waxaana larajeynaya in ay waxbadan kabadali doonto baahidii badneyd ee dhanka Oxygen.

Ugu damabyntii bilaha soo socdo ayaa la filaa in la daahfuri doono Warashada Kele oo laga hergelinayo Isbitallada DeMartini, iyo Isbitaalo ku yaala Goballada Dalka kuwaas oo goordhow la gaarsiin doono Warashado Oxygen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here