AFGOOYE (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhasha weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, islamarkaana haatan xaaladda deggan tahay.
Inta badan Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo is daba socda, kuwaas oo geysta khasaare kala duwan.