Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Turkiga + Sawirro

0

ANKARA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayo xubno ka tirsan madaxtooyada, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh, madaxweynaha dowladda federaalka ayaa ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan oo markale dib loo doortay.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xiriir khadka taleefoonka ah ula sameeyay dhiggiisa dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu mar kale ka gaaray doorashadii maalmo ka hor ka dhacday dalkaasi.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeye xiriir soojireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here