DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa kulamo ka wada magaaladaais, kuwaas oo uu la qaadanayo saraakiisha iyo waxgaradka deegaanka.
Kulamadan ayaa waxaa intooda badan looga arrinsanayaa howlgallada xoereynta ee la filayo inay dhawaan ka billowdaan gobollada dhexe ee dalka.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa horay ula kulmay waxgaradka deegaanka oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka, isaga oo kala hadlay doorkooda howlgalka Galmudug.
Abaabulka dagaalka lagu wajahayo Al-Shabaabka ku sugan degmada Ceelbuur ayaa haatan maraya gabagabo, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la qabto magaaladaasi.
Dagaalka ayaa geli doono wajiga labaad, kaas oo xoogiisa ku wajahan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab.