CC Shakuur oo shaaca ka qaaday inay jiraan dowlado taageera Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan dowlado & kooxo taageero siiyo Al-Shabaabka Soomaaliya.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa carabka ku goday in dowladahaasi ay ka macaashaan xiriirka ay la leeyihiin Al-Shabaab, inkastoo uusan carab baabin.

“Waxaa jira dawlado iyo kooxo ku daaban oo si toos ah, si dadbanba u taageeraya kooxda argagexisada ee AS. Dawladahaasi waa kuwo ka macaasha in ay dunida dalaal uga yihiin galaangalka argagexisada, halk kooxaha ku daabani ay u arkaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hollinayo libin ay ku dhaceeda yeelan waayeen” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in halganka socda lagu garab ustaago madaxweyne Xasan Sheekh iyo ciidamada Xoogga dalka ee haatan ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Halkan hoose ka akhriso:-

Waxaa jira dawlado iyo kooxo ku daaban oo si toos ah, si dadbanba u taageeraya kooxda argagexisada ee AS. Dawladahaasi waa kuwo ka macaasha in ay dunida dalaal uga yihiin galaangalka argagexisada, halk kooxaha ku daabani ay u arkaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hollinayo libin ay ku dhaceeda yeelan waayeen.

Waxayse ogayn in cadawgan uu yahay kii kun Soomaali maydkooda maalin Zoobe waray, kuwii hal doorkeena sheekh, macallin, dhakhtar, sarkaal, injineer, ganacsade, siyaasi, saxafi, hobol, iyo safiir naga ugaarsanayey, kuwii Soomaali gumeeyey ee asaageed u loogay.

Waa nacas kii aan garan in argagexisada AS ay halis ku yihiin jiritaankeena ummadeed, waxaase ka sii liita ruuxii isagoo og dhibco siyaasadeed ka dhex raadiya.

Waxaan garab taaganahay Madaxweynaha iyo inta hoggaanka dagaalka ku hawlan, waxaan boggaadinayaa ciidanka xooga dalka iyo macawiislayda naftood hurayaalka ah ee furumaha dagaalka ku hortaagan cadawga, waxaan Alle uga baryayaa in uu shahaadada ka aqbalo geesiyaalkii ku naf waayey la dirirka argagexisada.

W/Q: Abdirahman Abdishakur warsame

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here