Madaxweyne William Ruto oo cambaareeyay weerarrada Iran ee dalalka Khaliijka

0

Nairobi, Kenya – Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa si adag u cambaareeyay weerarrada aargudashada ah ee ay Iiraan ku qaaday sideed dal oo ka tirsan gobolka Khaliijka, isagoo ka digay in xiisaddani ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo amniga caalamka.

 

Madaxweyne Ruto ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in Kenya ay si dhow u la socoto xaaladda ka taagan Bariga Dhexe, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada inay si degdeg ah u qaboojiyaan xiisadda, si looga baaqsado dagaal ballaaran oo saameeya xasilloonida gobolka iyo dhaqaalaha adduunka.

Sideedda dal ee weerarradu saameeyeen ayaa kala ah
Imaaraadka Carabta,Qatar,Sacuudi Carabiya,Ciraaq,Cumaan,Kuwait,Urdun iyo Baxreyn.

Dhanka kale Danjiraha Iiraan u fadhiya Nairobi, Dr. Ali Gholampour, ayaa sheegay in dalka Kenya uusan marnaba bartilmaameed u ahayn weerarrada dalkiisa, inkasta oo uu martigeliyo saldhigyo milatari oo ay leeyihiin ciidanka Mareykanka.

Danjire Gholampour ayaa caddeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid muhiim ah, isagoo hoosta ka xariiqay in Iran aysan wax colaad ah u qabin shacabka iyo dawladda Kenya, balse ay ka dambeyso difaaca madax-bannaanida dalkiisa marka ay timaaddo faragelinta shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here