Muqdisho – Taliyaha Xarunta Isku-dubaridka Howgallada Wadajirka ah, S/Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa kulan aqoon is-weydaarsi ah u furay saraakiil ka kala socday qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulankan aqoon is-weydaarsiga ah oo ay soo agaasintay Madaxa Hoggaanka Isku Xirka Shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CIMIC), G/sare Iimaan Maxamuud Cali, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta shacabka xilliyada ay socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.
S/Gaas Maxamed Cali Bariise oo hadal ka jeediyay furitaanka kulanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed siinayaan badbaadada iyo ilaalinta dadka rayidka ah, kuwaas oo duruufo nololeed oo adag wajahaya isla markaana ay sii kordhiyeen falalka Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa saraakiisha ku booriyay in ay si buuxda uga shaqeeyaan dhowrista shacabka Soomaaliyeed ee u baahan badbaado iyo taageero, gaar ahaan xilliyada ay ciidamada wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada dadaallo dheeraad ah oo lagu samata bixinayo laguna kaalameynayo dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada laga xoreynayo Al-Shabaab, taas oo door muhiim ah ka qaadaneysa xoojinta xiriirka iyo kalsoonida u dhexeysa shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ah adeegayaasha shacabka.




