Baydhabo – Tiro hoobiyeyaal ah ayaa lagu weeraray Garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo, xilli uu halkaas ka degayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda hoobiyeyaasha ay ku soo dhaceen agagaarka garoonka, taasoo sababtay qalqal amni, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay weerarka.
Madaxweynaha ayaa la qorsheynayay inuu hadal kooban u jeediyo masuuliyiinta iyo shacabka ku soo dhoweeyay garoonka, balse xaaladda amni ee ka dhalatay weerarka ayaa sababtay in si degdeg ah loogu galbiyo madaxtooyada magaalada.
Waxaa la sheegay in ammaanka madaxtooyada ay sugayaan ciidamo ay ka mid yihiin kuwa Itoobiya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalada amniga ee magaalada Baydhawa.
Safarka Madaxweynaha ee Baydhabo ayaa la xiriira dardargelinta adeegyada bulshada, xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta, adkeynta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.
Inta uu joogo Baydhabo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato hoggaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta amniga, hirgelinta adeegyada dowliga ah iyo geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod.





