Tababar Aqoon Is-Weydaarsi ah oo ku Saabsan Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga oo ka Furmay Ankara

0

Ankara – Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadda Xisaabaadka Turkiga ayaa si wadajir ah magaalada Ankara uga furay tababar aqoon is-weydaarsi ah oo ku saabsan baarista u hoggaansanaanta sharciga.

 

Tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalaya hawl-wadeeno ka socda Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo sidoo kale xafiisyada hantidhowrka guud ee dowlad goboleedyada dalka, iyadoo diiradda la saarayo kor u qaadista xirfadaha iyo aqoonta la xiriirta baarista iyo hubinta u hoggaansanaanta shuruucda.

Ku-xigeenka Hawlaha Baarista ee Maxkamadda Xisaabaadka Turkiga, Mudane Ahmet Tezcan, oo ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka, ayaa sheegay in hay’addiisu mar walba diyaar u tahay sii wadista taageerada iyo garab istaagga Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, gaar ahaan dhinacyada horumarinta aqoonta, xirfadaha, iyo iskaashiga mihnadeed.

Dhankiisa, Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Cabdijamaal Ismaaciil Maxamed, ayaa uga mahadceliyey Maxkamadda Xisaabaadka Turkiga martigelinta tababarkan iyo iskaashiga joogtada ah ee ay la leeyihiin Xafiiska, isaga oo xusay in fursadaha noocan ahi ay muhiim u yihiin xoojinta tayada hawl-fulinta iyo is-dhaafsiga waaya-aragnimada mihnadeed.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha hawl-wadeennada hantidhowrka ee heerarka kala duwan ee dowladda, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Waxa uu sidoo kale ka tarjumayaa sida Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS uu uga go’an yahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, isaga oo ku shaqeynaya mabaadi’da isla xisaabtanka, hufnaanta, iyo daah-furnaanta.May be an image of lighting and indoorsMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here