Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sahal Cabdullaahi Cumar, oo uu wehliyo Taliyaha Hawlgalka Turksom Sabhadiin Kalkaan, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qayb galay munaasabad lagu dhaarinayay Guutada 33-aad ee Kumaandooska Gorgor.
Munaasabaddan oo ahayd mid si weyn loogu muujinayay horumarinta iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu xoojiyay dadaallada lagu dhisayo ciidan tayo leh oo awood u leh difaaca dalka.
Taliye Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamadii cusub ee la dhaariyay kula dardaarmay inay si buuxda u gutaan dhaarta ay mareen, isla markaana ay muujiyaan xilkasnimo iyo daacadnimo dhanka adeegga qaranka.
Wuxuu sidoo kale ku booriyay inay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarka ay qaadanayaan, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in askarigu yeesho anshax sare, karti iyo u heellanaan difaaca dalka iyo ilaalinta xasilloonida bulshada.
Dhankiisa, Taliye Sabhadiin Kalkaan ayaa ciidanka kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan tababarka ay u aadeen dalka Turkiga, si ay u helaan xirfado dheeraad ah oo lagu xoojinayo awoodda ciidan ee dalka.
Ciidankan cusub ee ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan dadaallada lagu sugayo amniga iyo difaaca dalka.




